Somali News

Wasiirka maaliyadda iyo safiirka Mareykanka oo kawada hadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxaan Ducaalle Beyle iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa ka wadahad ka yeeshay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebooku ku sheegay “Waxa aan maanta magaalada Muqdisho kulan wax ku ool ah kula yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Larry André.”

“Waxa aan ka wadahadalnay halka uu marayo dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa guulaha la gaaray ilaa hadda si ay uga faa’iideystaan ​​dadka Soomaaliyeed. Maraykanku waxa uu si weyn u taageeraa dib-u-habaynta dhaqaalaha, waananu uga mahadcelinaynaa,,