Somali News

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo sheegay inaysan dowladdu awoodin inay Shabaab ka hor istaagto Canshuurta.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay warbaahinta Washington Post ayaa sheegay in aysan Dowladda Soomaaliya awood u lahayn in ay Al-shabaab ka hor istaagto Canshuurta ay ka qaadaan Ganacsatadda Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab ay Dadka ku dhex milanyihiin isla markaana ay adagtaya sida looga hortago isagoo xusay in ay xalad cabsi leh tahay xeeladda ay Al-shabaab u adeegsadaan in ay dadka canshuurta uga qaadaan.

“Waa xaalad Cabsi leh, ma awoodno in aan ka hortagno, waa dhibaatadda koowaad ee wadanka” ayuu Wasiir Beyle u sheegay Washinton Post.

Maqaal dheer oo ay Washington Post ka qortay canshuurta ay Al-shabaab ka qaadaan cagansatadda Soomaaliyeed ayey ku sheegtay in iyaga oo adeegsanaya xirfad sare ay xitta Al-shabaab la socdaan tirada alaabaha ganacsade walba uga soo degta Dekedda Muqdisho.

Waa il muhiim ah oo ay Al-shabaab ay dhaqaale ka helaan waxayna Dowladda Soomaaliya kula tartamayaan daqliga kasoo gala canshuuraha.

Sida uu maqaalku sheegayo, Al-shabaab ayaa tilfoon ka waca Ganacsatada waxayna u sheegaan  Canshuurta laga doonaya, itaas ka dibna Ganacsatadda ayaa aada ama wakiilo u dirsada meelaha ay Al-shabaab ka taliyaan ee ay ku yaalaan xafiisyadooda canshuuraha u xil saaraan si ay lacagta u bixiyaan.

“Al-shababaab waa Soomaali aniga ila mid ah ama cid kasta oo kale. Aniga ayey ii egyihiin. Meel kasta ayey joogaan, anaga ayey nagu dhex jiraan” ayuu Wasiirku ku sheegay hadalka uu siiyay Washington Post.

Ganacsatadda ayaa noqday dherigii labadda dhinac ka gubtay, Sababtoo ah Dowladda iyo Al-shabaab oo ah awoodo loolamaya ayaa dhaqaalahoodu uyahay sahay iyo saanad.

Ugu dambeyntana taasi waxaa ay saameyneysa  nolosha dadka macaamiisha ah ee badeecadda ay canshuureen labadda dhinac ay ku qaaliyoobeyso.