Uncategorized

Wasiirka Macdanta iyo Badroolka oo hor tagay Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Muqdisho-KNN-C/rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hor tagay Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo kulan ku lahaa xaruntooda ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Shacabka ayaa Wasiirka ka dhageystay Sharaax uu ka bixiyay hindise sharciyeedka Batroolka Soomaaliya oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay.

Wasiirka ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay in lahelo sharci lagu xakameynayo Batroolka Soomaaliya isla markaana ay raali ka wada yihiin dadka Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka ayaa wasiirka weydiiyay Su’aalo ka mid ah Sharciga ay soo diyaariyeen waxaana la filayaa in ay soo aqriyaan maalmaha soo socda.