Somali News

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada oo shacabka Galdogob ugu baaqay midnimo

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Galdogob ee Gobolka Mudug ayaa farxadda Ciida la qeybsaday bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Mudane Sadiiq Xirsi oo dhawaan si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Galdogob  ayaa boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carrafo kula dukaday degmadaasi Galdogob ee gobolka Mudug,wuxuuna alle uga baryaya bulshada in uu horumar iyo baraare uu gaarsiiyo.

Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dalka usoo kaban lahaa.

“Waxaan go’aansaday inan fasaxa Ciidda uga faa’iideysto inan waqti la soo qaato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, waxaan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir.. waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.