Somali News

Wasiirka Shaqada oo hambalyo u diray Shaqaale Weynaha Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Sadiiq Warfaa ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunak u dirtay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Mudane Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay maalinta caalamiga ah ee shaqaale Weynaha Adduunka ayaa shaqaalah Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalah Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka oo maanta oo kale ku began,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaaf.

Maanta oo kale 30 April ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaale Weynaha caalamka,iyadoo guud ahaan caalamka uu siweyn u xuso,Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga xuso maalintaasi.