Somali News

Wasiirka Shaqada Xukuumadda oo amar ku socdo shaqaalaha dowladda Soo saaray.

Muqdisho-KNN-Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir todobaad leh la yeeshay agaasime waaxeedyada Wasaaradda, ayaa faray in la dardargaliyo howlaha Shaqo ee Shaqaalaha Dawladda, Iyagoo Shaqaalaha ka fogaanayaan marxadda doorasho ee dalka uu ku jiro si ay saameyn ugu yeelan deegyada Qaranka iyo muwaadiniinta ay u hayaan Shaqaalaha Rayidka.

Wuxuu yiri Wasiirka sidaan “Agaasimayaasha waxaan farayaa inay hubiyaan heerka shaqo iyo soo xaadirid ee Shaqalaha si loo dardargaliyo shaqada muhiimka ah ee Dalka ay u hayaan.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab Ugaas oo inta ku daray “ Shaqaalaha waa inay oggaadaan si looga hortaggo faafida COVID-19 inay qaataan tallaalka.”

Dhinaca kale Wasiirka ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo u dhawaan ku tagay Dalka Masar, halkaasi oo u kaga qeybgalay shirka heerka wasiir ee  Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta ee socday 5  ilaa 10 bishan September , wuxuu xaqiijiyay shirka inta uu socday inuu sidoo kale kullumo dooceedyo la qaatay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta.

“ Shirkaa wuxuu ahaa mid miro dhal ah , waxaa barbar socday kulamo aan la qaatay wasiirrada oo si isku mid ah noogu xaqiijiyay inay diyaar u yihiin door muuqda inay ka qaataan dadaallada shaqo abuur iyo horumarin.” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu mahad celin jeediyay safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar iyo doorkii farsamo ee muddadii uu socday shirka iyo kullamo dooceedyada halkaa ka qabsoomay.