Uncategorized

W/Warfaafinta DFS, Kuwa M/Gobaleedyada iyo Warbaahinta Madaxda banaan oo ka shiraya Tabinta Howlgalada ay qorsheysay Dowladda.

Muqdisho-KNN-Kulan gaar ah oo u dhaxeeya Xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirada Warfaafinta Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Sidoo kale Madaxda Warbaahinta Madaxa banaan ayaa Xiligaan ka socdo ee Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Dalka gaar ahaan Tabinta Howlgalada ay qorsheysay Dowladda Soomaaliya in lagu qaado Dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan meelo ka mid ah Soomaaliya.

Waxyaabaha gaarka looga hadlaayo waxaa ka mid ah sidii isku xer buuxa u yeelan lahaayeen Xubnaha warbaahinta u qaabilsan DFS iyo Maamul Gobaleedyada xog dhamestirana loola wadaagi lahaa warbaahinta Madaxa Banaan.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulankaan waxaana la filayaa in qodobo laga soo saaro markii uu dhamaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeyso in ay warbaahinta qeyb qaadato baahinta Howlgalada la sheegay in uu dalka ka bilaaban doono iyo wada-shaqeyn dhaxmarta Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowladda dhexe iyo Warfaafinta Maamul Gobaleedyada.