Somali News

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka warbixyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdsiho ayaa faah faahin ka bixiyey guullaha Dowladdu ka gaartay dagaalka ka dhanka Al-shabaab eek a socda dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab lagu dilay dagaalameyaal badan.

“Hawlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday waxaa sidoo kale lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa kuwaas oo ka mdi ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57). Waxaa lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaas” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aways.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in guulo lagaarey dhinacyada kale ee dagaalka sida dhaqaalaha iyo fikirka.