Somali News

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la qaatay Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Aqalka sare

Muqdisho-KNN-Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan layeeshay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya waxayna ka wada hadleen arimo la xiriira sidii loo wajihi lahaa imtixaan mideysan oo laga qaado Dugsiyada sare ee dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ayaa guddiga uga warbixiyay qorshaha sanadkaan Wasaaradda uga dagsan imtixaanka mideysan ee Ardayda ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare ee dalka.

Guddiga ayaa su’aalo ka waydiiyay wasiirka arrinta Puntland oo wali aan ogolaan imtixaanka midaysan ee ladoonayo in ay Ardayda dalka wada galaan.

Senetarro deegaan doorashadoodu tahay Puntland oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay inay u baxayaan Puntland si la iskula meel dhigo arrinta imtixaanka mideysan ee sanadkaan.