Uncategorized

Wasiirka Waxbarashada oo maanta hortaga Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Wasiirka Waxbarashada xukumadda Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir ayaa maanta hortagaya Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas Sabtidii aan ka soo gudubnay ka dalbaday Wasiirka in maanta oo Isniin ah in uu hor yimaado Kulanka Baarlamaanka ee xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Wasiir C/raxmaan ayaa xildhibaanada Baarlamaanka hortooda ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo heerka iyo tayada Waxbarasho ee Soomaaliya iyo qorsha Wasaarada kaga aadan Waxbarashada dalka.

Xildhibaanada ayaa su`aalo ka weydiin doono Wasiirka arimahaas iyo qaabka wasaarada ay u maareyso Deeqaha Waxbarasho ee dalka iyo dibada Wasaarada ay ka hesho.