Somali News

Wasiirka waxbarashada oo tababar u furay tababarayaasha Macallimiinta Qaranka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka.

Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 oo macalin, kuwaas oo loogu tala galay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir .

Tababarka ayaa la sheegay in uu socon doono muddo 10 cisho ah waxaana la sheegay in ay bixinayaan aqoonyahanno qibrad dheer  u leh tababarka macallimiinta Dugsiyada, waxaana lagu taba bari doonaa manhajka ay diyarisay wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare, kaas oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad.

Wasiir; Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran.

“Maanta waxaan  furay tababarka tababarayaasha macallimiinta qaranka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka, manhajka lagu tababarayo macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliya waxuuna ka dhaqan galidoonaa guud ahaan dalka” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.