Somali News

Wasiirki Maaliyada dalka Argentin oo shaqadii iskaga tagay.

Wasiirkii maaliyadda ee waddanka Argentina, Martin Guzman, ayaa shaqadda ka tagay, iyadoo dhibaatadda dhaqaale ee dalkaasi ay sii kordhayso.

Mr Guzmán ayaa xilka hayay tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, waxaana uu hogaaminayay wada xaajoodyo uu la galay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) kuna saabsan dib u habeynta deynta Argentina.

Argentina ayaa waxa ay la daalaa dhacaysaa sicir barar heerkiisu yahay 60%, lacag daciif ah, iyo sidoo kale kor u kaca qiimaha cuntadda iyo tamarta adduunka.