Somali News

Wasiirkii arimaha dibadda ee wadanka Armenia oo is casilay.

Wasiirkii arimaha dibadda ee wadanka Armenia ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi.

Is casilaada wasiirka ayaa waxaa bartiisa Facebook ku shaaciyay afhayeenkiisa.

Is casilaada wasiirka arimaha dibadda ee Armenia ayaa imaanaysa xilli uu cadaadis xoogan saaran yahay ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo haystaa heshiis muran badan dhaliyay oo uu lagalay dhigiisa Azerbaijan kaas oo ku saabsanaa gobolka lagu muran san yahay ee Nagorno-Karabakh