Somali News

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo is casilay

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa iska casilay xilkaasi, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Wasiirka ayaa warqaddiisa iscasilaada ah u gudbiyay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo ku sababeyay si uu waqti iyo madax banaani ugu helo doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Puntland oo uu u sharraxan yahay.

Wasiirkii hore Abshir Haruuse ayaa gaarey magaalada Garowe, halkaas oo uu uga dhawaaqay musharaxnimadiisa Madaxweynaha Maamulka Puntland.