Somali News

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jubbaland oo geeriyooday

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, sida ay noo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

Wasiirka ayaa maalmahan xaalad caafimad u joogay dalka Jarmalka, halkaasi oo maanta ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wasiir Darwiish waxaa uu kamid ahaa aas-aaseyaasha Maamulka Jubbaland, isaga oo dhowr jeer kamid noqday Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Mas’uuliyiin iyo shacab ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Wasiir Maxamed Darwiish, iyaga oo u rajeeyay in uu eebe ugu deeqo Jannadiisa Fardowsa.