Somali News

Wasiirkii beeraha ee falastiin oo Xabsiga la dhigay.

Muqdisho-KNN-Ciidamada Israel ayaa xabsiga dhigay wasiirkii beeraha ee falastiin xilli uu ku sugnaa magaaladda Ramallah ee ku taalo bartamaha daanta galbeed.

Ciidamada xooga Israel ayaa joojiyay gaari uu watay wasiirka kadibna ku qasbay in uu kasoo dago gaarigii uu watay sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda beeraha.

Wasarada ayaa waxa ay aad u cambaaraysay falka ay ciidamada Israel afduubka ugu gaysatay wasiirka iyadoona ku tilmaamay falkaasi in uu yahay mid dhaawacaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada.

Tan iyo bilawgii sanadkan ciidamada Israel ayaa kor u qaaday tacadiyada ay  ugaysanyaan muwaadiniinta reer falastiin iyadoona hee’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay sanadkan oo qura diiwaan galiyeen in ciidamada isreal ay dileen 310 ruux oo ay ku jiraan 54 caruur ah.