Somali News

Wasiirkii hore ee difaaca Kenya ee Maxamed Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Maxamed Yuusuf Xaaji oo kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka saree e dalka Kenya ayaa waxa ageeridiisa BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Marxuumka ayaa horay usoo noqday wasiirkii difaaca ee dalka Kenya xilligii madaxweyne Mwai Kibaiki, wuxuuna sidookale soo noqday barasaab gobol iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.