Uncategorized

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya oo ka hadlay saameynta ka dhalan karta saadka mareykanka uu ka jarayo ciidamada xoogga dalka.

Warbixin lagu qoray wakalada wararka ee  Reuters ayaa waxaa lau sheegay  in la musuq-maasuqay saadka looga tala galay ciidamada xooga ee dalka,islamarkaana  Ciidamada qaar ee lacagahaas la siin jiray ay yihiin Maleeshiyaad,taasi oo mareykanka ay ku tilmaameen mid aan dul qaadan karin.

Genaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dhibaatada  ay keeneyso go’aanka Mareykanka uu ku sheegay inuu ku joojinayo Saadka uu siin jiray Ciidanka xooga dalka Somaliyeed.

“Hadii ay Qorshahan ku dhaqaaqaan Mareykanka waxaa ay saameyn adag ku yeelan doontaa howlgalka ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan Dagaalamayaasha Al-Shabaab”.

Genaraal Cabdi qaadir Sheekh Cali  Diini ayaa waxaa uu soo hadal qaaday saadka ay sheegtay mareykanka ay ka jarayso soomaaliya,isagoona sheegay in dhmaan aan la siinin ciidamada dowlada ,balse kaliya  la siiyo Ciidamada xooga dalka ee ku kala sugan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.