Somali News

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya oo ka hadlay xayiraadii shiikh shariif iyo xaalada Jubbaland.

Muqdisho-KNN-Wasiirkii hore ee wasaarada warfaafinta Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo la hadlay  KNN ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay hadalkii ka soo baxay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo xaalada Maamulka Jubbaland.

” Shiikh Shariif waan Ognahay in Axmed Madoobe aad ka wada tirsaneydeen Maxaakiimtii Islaamiga hadana maaha Adigoo Madaxweyne Soomoaliyeed soo noqday inaad nooga hiiliso”. Ayuu yiri Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.

Sidoo kale wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirse ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay dib u heshiisiin loo sameeyo dadka dega deegaanda Jubbaland, islamarkaana kadib halkaasi ay doorasho ka dhacdo.

Halkan hoose ka dhegeyso