Somali News

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya oo ku baaqay in baaris lagu sameeyo Dadkii lagu dilay Kismaayo

Muqdisho-KNN-Cabdullaahi Ciilmooge Xirse Wasiirkii hore ee Wasaarada warfaafinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dilalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo, xaalada siyaasadeed ee xiligan ka taagan deegaanada Jubbaland iyo Al-Shabaab .

Wasiirkii hore ee Warfaafinta soomaaliya ayaa waxaa uu ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dilalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Cabdullaahi Ciilmooge Xirse ayaa xusay in deegaano ka tirsan Jubbaland ay xiligan gacanta ku hayaan, islamarkaana dhibaatooyin ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku nool Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Ciilmooge ayaa  waxaa uu shaaca ka qaaday in gobalada Jubbooyinka Iyo Gedo ay xiligan laga maamulo Magaalooyinka Muqdisho iyo Narobia.

Halkan ka dhageyso Warbixinta:-