Somali News

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya oo Ku baaqay in loo gurmado dadka saameynta Ku yeeshay Fatahaadaha

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Cabdullahi Ciilmoge Xirsi ayaa magaalada Mombasa Maanta ku qabtay shir jaraaid uu oo uga hadlay xaalada Fatahaada Wabiga Shabelle iyo khasaaraha ka dhashay ee magaalada Baledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsata in ay si wayn u garab istagaan dadka dhibaataysan .

Ugu daynbayn wasiirka ayaa waxaa uu ugu baaqay dowlada soomaaliya iyo beesha caalamka inay gar gaar deg deg ah gaarsiiyaan dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka jira xaalad aad u cakiran, iyadoona dad badan ay ka barakaceen fatahaada uu sameeyay webiga Shabelle.