Muqdisho-KNN-Musharrixiinta u tartamaya xilka doorashada Madaxweynaha maamul Goboleedka Jubaland ayaa shuruud adag ah waxaa ay ku xireen ka qeybgalka doorashada dhaceysa 19 ka bishan.
Waxaana maalmihii dambe isa soo tarayay walaaca laga muujinayo doorashada maamulka Jubbaland iyo qaabka ay wax u wadaan Guddiga doorashada Maamulkaasi.
Cabdullaahi Ciilmooge Xirse oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya , hadana ka mid ah musharixiinta isbadal doonka ee Maamulka Jubbaland oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in madaxda Jubbaland hada joogta ay si qaldan wax u maamulayaan, islamarkaana loo baahan yahay in arimahaasi wax badan laga badalo.
Sidoo kale waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay dib u dhigaan doorashada Maamulka Jubbaland.
Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga.