Somali News

Wasiirkii Maaliyadda dowladda Turkiga oo is casilay.

Wasiirkii Maaliyada ee dalka Turkiga Berat Albayrak ayaa shaaciyay in uu xilkaasi ka dagay.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram’ka ku sheegay in uu xilkaasi iskaga casilay sababo laxariiro xaalado caafimaad daro oo soo wajahay.

“Kadib shan sano oo aan soo ahaa wasiirka maaliyada ayaa waxaan go’aan saday in xilkaasi iskaga dago” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Is casilaada wasiirka maaliyada ee dalka Turkiga ayaa kusoo aaday iyadoo shalay madaxwayne Erdogan uu shaqada ka ceeriyay gudoomiyihii bankiga dhexe ee dalkaasi.