Uncategorized

Wasiirkii ugu horeeyay oo iscasilay wasiirada u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhow ku dhawaaqay in uu iscasilay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed kaas oo iscasilaadiisa ku tilmaamay in uu taagan yahay qabashada xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha shacabka ayaa horay u sheegay in wasiirkii doonaya in uu u tar tamo xilkaas marka hore ku war geliyay in laga doonayo in ay iscasilaan.

Wasiiro kale oo ka tirsan Xukumadda ayaa jira kuwaas oo u xanqaltaagaya qabashada xilkaan, kuwaas oo ku qasbanaanaaya in marka hore ay baneeyaan xilka Wasiirnimo ee ay haayaan.

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa bilaabanaya is-diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ku eg berri oo Talaado ah.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

30 bishaan ayaana Guddiga Qaban qaabada ay iclaamiyeen ay dhici doono doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.