Muqdisho-KNN-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.
Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilkaas uu sii heyn doono Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.
Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey xilka qaadistaas.