Somali News

Wasiiro iyo Xildhibaano tirsan Dowladda oo ku wajahan Cadaado.

Cadaado-KNN-Wafdi isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Cadaado ayaa hada waxaa ku sugan xubno ka tirsan xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug oo soo dhaweynaya Wafdiga saacadaha soo aadan gaari doono Magaalada Cadaado.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa door weyn ka qaadan doono daminta xiisada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Maamulka Galmudug.

Sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Cadaado Sharmaake Suulay wafdiga ka socda Dowladda ee Xildhibaanada iyo Wasiirda isugu jira ayaa la filayaa in ay kulamo la qaataan  Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,  Odayaasha iyo waxgaradka Magalada Cadaado, iyaga oo kala hadli doona sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha ka jira deegaanada Galmudug.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa laga dareemayaa Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.