Somali News Uncategorized

Wasiiro ka mid kuwa magacaaban oo kullamo ka wada Muqdisho

Magaalada Muqdisho iyo shalay waxaa ka socda kullamo xiriir ah oo ay leeyihiin Golaha Wasiirada magacaan iyo Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo kalsooni siinta xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaae Xamse ayaa la tilmaamay in dhankiisa uu isna ka wado kullamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, isagoo ku qancinaya in ay ansixiyaan Wasiirada cusub ee uu soo dhisay, si howlaha hortabinta u leh Xukuumadda halkaas looga sii ambaqaado.

Sidoo kale, dhankooda Golaha Wasiirada magacaaban ayuu kulan gaar ah la qaatay, wuxuuna faray in muhiim ay tahay in midkastaa uu Xildhibaanada la kulmo, islamarkaana uu ka dalbado sidii codkiisa kalsooni uu ku siin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah Golaha ugu soo jeediyay in mudnaanta koowaad ay siiyaan oo ay la kulmaan Xildhibaanada iyaga ku matala Dowlad Goboleedka, sidaas daraadeedna uu Wasiir walba ku xisaabtamo cododkooda.

Maanta oo khamiis ah ayey qaar ka mid  ah Golaha Wasiirada magacaan guuda galeen inay kulamo gaar gaar ah ay la qaataan Xildhibaan ku matala Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kuwaas ka mid ah, Axmed Macalin Fiqi oo ah Wasiirka Amniga, Fardowso Cigaal Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cigaal, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Jire Qalanle iyo kuwa kale.

Wasiiradaan magacaaban waxay Xildhibaanadii ay la kulmeyn ay ka codsadeen in taageero ay u muujiyaan, islamarkaana ay siiyaan codkooda kalsooni, maadama ay yihiin Xildhibaano leh go,aanka ugu dambeeya ee ansixinta gole Wasiir markii ka magacaabo.

Dhankooda Xildhibaannada waxay hambalyo iyo boggaadin u jeediyeen xubnihii Golaha Wasiirada ay la kulmeyn, iyagoo u sheegay inay garab taagan yihiin, islamarkaana codkoodu diyaar yahay.

Muqdisho wali waxaa ka soconaya kullamada ay Xubnaha Golaha Wasiirada magacaaban la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo dadaal xoog leh galinaya sidii uu Baarlamaanka u meel marin lahaa.

Magacaabistooda kadib, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah

Sidoo kale, Ra’iisul Waaaaraha ayaa xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya uga codsaday si xushmad iyo qaddarin leh in ay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iminka isku diyaarinaya in kulan ay ka yeeshaan magacaabista Xukuumadda cusub, balse lama ogga go,aanka ay ka qaadan karaan, iyadoo suurtagal tahay in ay meel mariyaana, si dalka looga samatabixiyo xaaladda adag ee uu ku jiro, waxaana ugu weyn amni darada iyo abaaraha baahsan, taas oo saameyn togan ku yeelatay dadka iyo duunyada.

SAWIRRO:-↙️