Somali News

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo weli gaari la’ Garowe.

Garoowe-KNN-Ilo lagu kalsoonaan karo  ayaa KNN u sheegay in maalintii labaad ay Puntland diiday in Magaalada Garoowe ay tagaan Deegaanada Maamulkaaasi.

Sababta ayaa Puntland waxaa ay ku sheegtay in ay ka cabsi qabo in qal qal la geliyo doorashada Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo ka dhacaysa Magaalada Garoowe.

Shalay ayay aheyd markii Wafdigan ay ku hungoobeen  dadaallo lagu doonayay in ay ku tagaan deegaanada maamulka Puntland, si ay ula socdaan Xaaladda Doorashada.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Wafdiga ka socda dowlada ee booqasho ku tagi lahaa deegaanada Maamulka Puntland.

8 Bishan ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha cusub iyo ku xigeenka Puntland ay ka dhacdo Magaalada Garoowe.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyin la soo dhigay ciidamo aad u fara badan.