Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.
Wasiir Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida.
Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal.