Somali News

Wasiirro hore kuna xirnaa Hargeysa oo la sii daaye

Hargeysa-KNN-Wasiirka arimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa waxaa uu sheegay in maanta la sii daayey,labo wasiirro ah oo ka tirsanaa maamulkii awooda lagu tuuraye ee Cabdi Maxamuud cumar.

Labbadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad iyo wasiirkii hore ee cadaalada Cabdijamaal Axmed Qaloombi,kuwaasi oo 21-kii bishan ciidammada ammaanka ay ka qabteeyn garoonka diyaaradaha magaalada Hargeyso,iyagoona la sheegay in ay ku wajahnaayeen magaalada Nairobi ee caasimada wadanka kenya

Xubnihii ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa in ay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay.