Somali News

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Soomaaliya oo iscasilay

Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa warbaahinta u sheegay inuu iska casilay xilka uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Sababta uu isku casilay Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayuu Ku sheegay in ay tahay sidii uu kaga qeyb gali lahaa doorashada dowlad goboleedka maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay madaxda dowladda, isagoona sheegay in si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen inta uu xilka hayay.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud