Somali News

Wasiiru dowlahii howlaha guud ee DF oo is-casilay

Dhuusamareeb-KNN-Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug.

Qoor Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan.

Dowladda ayaa sidoo kale isku dayday in xildhibaanada ay soo xulayeen odayaasha qaarkood ay beddesho, si ay u xaqiijiso in lasoo magacaabo xildhibaano xukuumadda ku aragti ah, inkasta oo qorshahaas aanu guuleysan.

Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inay noqoto mid adag, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in lama filaan uu ka dhici karo, lagana yaabo in xukuumadda looga adkaado.