Sports

Wax ka ogow 8 macalin oo badal unoqon karta macalin Arsene wenger

Muqdosho-KNN-Waayihii macalin Arsene Wenger ee kooxda Arsenal waa uu soo idlanayaa dhamaadka xili ciyaareedkan isago inkabadan 20 sano majaraha u hayay kooxda London ka dhisan ee hada ku ciyaarta garoonka Emarats.

Sanadkii 1996 ayuu ku soo biiray kooxda Arsenal xiligaas wixii ka danbeeyay waayihiisa kuwiisa wacnaa iyo kuwiisa aanan farxad galin waxa uu kusoo qaatay maamulida kooxda Arsenal oo uu jamaahiir fara bdan baray waxa aytahy Arsenal.

Hada waxaan kula wadaagi doonaa 8 macalin oo loo saadaalinayo inay ka badalaan korsiga tababarnimo ee kooxda Arsenal waxayna kala yihiin.

1: Joachim Low.

Joachim Low hada waa macalinka xulka qaranka Germany lkn Arsenal waxa ay qorshaynaysaa inay badal uga dhigto macalinkeeda Arsene Wenger.

Kooxdii ugu danbeesay uu macalin u noqdo macalinkaan waa kooxda AustriaVienna Fc 2004 ayuu ku hogaamiyay horyaalka Austria.

Macalinkaan waa 58 sano jir xulka qaranka Germany ayuu ku hogaamiyay 2014 koobka aduunka, sidoo kale FIFA Confederation Cup ayuu ku hogaamiyay 2017, isagooku fashilmay 2010kii koobkii aduunka ee ka dhacay South Africa .

2: Antonio Conte.

Waa macalin si layaab leh usoo galaya macalimiinta badali kara macalin Wenger maxaa yeelay hada waxa uu shaqo kahayaa koooxda ayxifaltamaan Arsenal waa kooxda Chelsea wayna adkaan doontaa inuu shaqada macalinimo ee Arsenal uu qabto.

Macalinkaan ayaa faarujin kara koxda Chelsea dhamaadka xagaagan kooxda Arsenal jamaahiirteeda ayaa doonaya inay ku arkaan garoonka Emirates Stadium macalinkii hore kooxda Juventus.

Sikastaba macalinkan waxaa lahadal hayaa inuu kulaabankaro Italy uuna qaban kara shaqada macalinimo kooxaha AC Milan , Inter Milan , ama qaranka talyaaniga.

3:Leonardo Jardim.

Macalinka kooxda As Monaco ayaa ah shaqsi kale oo saameen kuleh inuu badali karo macalin Wenger.

43 sano jirkaan ayaa soo saaray ciyaaryahano bandhig fiican hada kasameenaya masraxyada kubada cagta oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Bakayoko, Mendy,B.Silva iyo xidigo kale.

4:Ihierry Henry.

Waa halyeey soo xirtay fanaanada kooxda Arsenal waa shaqsi kale oo lahadal hayo inuu badali karo macalin Wenger.

5:Carlo Ancelotti.

Waa maclinka ugu wanaagsan dhanka qibrada macalinimo waa hadii ay badal u dooqan doonaan Arsenal maxcalin Ancelotti.

Waana macalinka kaliya 2 kooxood oo kala duwan kula gulaystay UEFA champions League  min sadax jeer.

6: Mekal Arteta.

Waa xidig sooo maray kooxda arsenal soona xirtay calaamada xushmada markii uu faarujiyay kooxda 2014kii ciyaaryahan Vermaelan kaa oo xiligaas u dhaqaaqay kooxda Barcelona ahaana Kabtanki xilii ee kooxda Arsenal.

Xidigihii hore arsenal Mekal Arteta ayaa caawiye macalinimo noqday july 2016kii kooxda Manchester City ayuuna ka hayaa xilkaas.

Waa macalinkale oo badali kara macalin Arsene Wenger.

7:Brendan Rodgers.

Waa macalin kale oo layaab ah inay u dhaaaqdo Arsenal si uu badal ugu noqdo macalin Arsen Wenger.

Macalinkii hore Liverpool hadana maharaha u haya kooxda Celtic ayaa noqon kara macalin kazoo muuqda xagaaga soo aadan korsiga macalinimo ee kooxda Arsenal.

8:Petrick Vieira.

Inkastoo uu iska fogeeyay halyeeygii hore Arsenal Vieira waa shaqsi saameen kuleh fanaanada Arsenal waa dooq kale oo ay ku doonayaan inuu macalin ugu noqdo kooxda Arsenal.

Intuu xirnaa fanaanad Arsenal waxa uu ku guulaysty sadax koob oo Premier League .

sidoo kale waxaa jira macalimiin kale oo lahadal hayo kuwaanse waa inta ugu macquulsan sgaqadan loon badinayo inay qabtaan.

Qaliinkii Aadam Aqyaar