Sports

Wax ka ogow ka hor kulanka caawa dhex mari doono kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid

Muqdisho-KNN-Kulanka wayn ayaa caawa laga daawan doona caalamkalugta 1aad Simifinalaha Champion League kaas oo ay isaga hor imaanayaan kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid walow waayihii danbe guulo ay kagaaraysay Real Madrid kooxda reer Germany.

Ogaysiiska kulanka:

Tartanka: Champions League

Garoonka: Allianz Arena

Saacadda: 9:45 Caawo

Garsoore: Bjoern Kuipers (Netherlands

Maxaa ka cusub Bayern Munich.

Kooxda martida loo yahay ee Bayern Munich waxey dhaawacyo ku weyneysaa caawa labada xidig ee Arturo Vidal iyo Kingsley Coman kuwaas oo xanuuno kala duwan qaba mana ciyaari karaan.

Sidoo kale waxaa shaki la galinayaa iney ciyaari karaan goolhaye Manuel Neuer iyo sidoo kale Tolisso xidigahaas oo xanuuno yaryar qaba.

Maxaa ka cusub Real Madrid

Real Madrid wax dhibaato ah ma qabto dbamaan xidigaheeda waa u diyaar, kaliya Nacho oo soo raacay safka kooxda ayaa shaki laga qabaa kaas oo wali uu ku dambeeyo dhaawac muruqa ah xidigaan ayaana laga yaabaa inuu kasoo muuqan kulankan.

Ma ogtahy:

Bayern Munich iyo Real Madrid waxey kulmi doonaan kulankoodii 25-aad caawa, marka laga hadlo tartankaan European Cup/Champions waana kooxaha ugu badan ee isku arka tartankan walow min 11 jeer ay kala badiyeen hase yeeshee 5tii kulan ee ugu danbeesay ay is arkaan Real Madrid ayaa guulaysanaysay.

Shaxda macquulka ah labadda dhinac:

Bayern Munich:

Ulreich, Kimmich, Hummels, Boateng, Alaba; Martínez, Thiago; James, Müller, Ribéry; Lewandowski

Real Madrid:

Navas, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modrić, Isco; Benzema, Ronaldo.

Qalinkii:Aadam Aqyaar