Sports

Wax ka ogow ka hor kulanka caawo kooxaha Barcelona Iyo Real Madrid

Muqdisho-KNN-Kulanka ugu wayn kubada cagta ayaa caaawa ka dhici doono garoonka ay ku ciyaarto kooxda Barcelona ee Comp Nou kaas oo aalaaba dhex mara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid Iyadoo ay xusid mudantahy in kulankii ugu danbeeyay Guul 3 gool iyo 0 ay kasoo gaartay Barcelona dhigeed Real Madrid.

Maxaa ka cusub kooxda Barcelona.

Andres Iniesta ayaa la filayaa inuu safto El-Clasic-dii ugu dambeysay kadib maadaama uu ku dhawaaqay inuu isaga tagayo Camp Nou marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan  waxaaa la filayaa in labada kooxba ay sharfaan xidigaan.

Coutinho ayaa sidoo kale kusoo bilaaban kara isna kulankiisii ugu horeeyay El-Clasico isagoo kaliya kooxda batcelona ku sugan shan bilood, Ivan Rakitic, Busquets iyo Suarez ayaa sidoo kale kulankaan u hanqal taagaya iney kasoo muuqdaan.

Maxaa ka cusub Real Madrid.

Dhibaato daafaca midig ayaa heysata kooxda Real Madrid maadaama uu ka dhaawacan yahay Dani Carval, waxaa la filayaa inuu booskiisa markale kasoo muuqdo ciyaaryahan Nacho kaas oo isna aan taam buuxa aheyn.

Daafaca dhexe Varane ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro, sidaas darteed waxey mar kale keeni kartaa in daafaca midig laga ciyaarsiiyo Vazquez. 

Shaxda macquulka ah labada kooxood.

Barcelona:

Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Coutinho, Busquets, Rakitic, Iniesta; Suarez, Messi.

Real Madrid:

Navas; Vasquez, Nacho, Ramos, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Isco, Benzema, Ronaldo.

5tii kulan ugu danbaysay labadani kooxood.

Labadani kooxood 5tii kulan ee ugu danbaysay wada ciyaareen  min 2 jeer waa ay kala badiyeen xili kulanka kalana  barbaro ay galeen.