Sports

Wax walba aad uga baahantahay kulanka duhurnimada manta ay is wajahayaan Crystal Palace VS Liverpool

Muqdisho-KNN-Kooxda liverpool ayaa diyaar u ah inay u dagaalanto afarta kooxood ee ugu sareesa horyalka EPL, kulanka duhurnimada manta ay booqanayso dhigeeda Crystal Palace ayaana ah kulan natiijadiisu sii kara niyad dhis wayn xirta macalin klopp.

Ogeysiiska Cayaarta.

Kulanka:Crystal Palace VS Liverpool

Garoonka:Salhurst Park

Saacada:2:30 duhurnimo (XGA)

Garsoore: Neil Swarbrick

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD.

  • Wilf ried Zaha ayaa kusoo laabtay gurigiisa waqti hore kadib cayaaraha caalamiga ee uu kala qayb galay xulkisa markas oo looga cabsaday dhaawac soo gaaray xidiga balse waxa laraynayaa in uu kusoo bilaawdo kulanka sabtida.
  • Julian Speroni, Bakary Sako, Jason Puncheon and Scott Dann ayaa dhammaantood ayaa ah kuwa maqnaan doona kooxdooda waqti dheer.
  • Mamadou Sakho ayaa taam u ah inuu kusoo bilaawdo kulanka ay kooxdiissu wajihi doonto kooxdiisii hore ee liverpool asagoo qalbada dhexe ee daafaca Place kala soo muuqan doonaa James Tomkins
  • Emre Can ayaa ku guul darraystay in uu kasoo laabto dhaawac kasoo gaaray anqawga ciyaartii u danbaysy ee koxdiisu ay caayrtay asagoona aan kasoo muuqan cayaarhii caalamiga walina shaki lagalinayo ciyaristiisa kulankan.
  • Nathaniel Clyne ayaa latababartay kooxda koobaad intii lagu guda jiray cayaarahii caalamiga asagoona kusii dhawaanaya in uu dib ugu soo laaabto kooxda Klopp.
  • Xoogaa is baddal ah ayaa laga yaabaa in lagu sameeyo kooxdii 5-0 ku xaaqday Watford intii aan la’aadin nasiinada ciyaaraha caalamiga.
  • Suuaalaha kaliya ee la is waydiinayao ayaah yaa noqon kara seddexda qadka dhexe kusoo bilaabanaysa iyo cidda Vigil van Dijk ku wehlin doonta qalbadda dhexe ee daafaca.

Shaxda labada dhinac ee macquulka ah.

Crystal Palace:

Hennessey; Wan-Bissaka, Sakho, Tomkins, Van Aanholt; Milivojevic, McArthur, Loftus-Cheek; Schlupp, Townsend, Benteke

Liverpool:

Karius; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Henderson, Wijnaldum, Can; Mane, Salah, Firmino

 

by Aadam Yuuf Ahmed Aqyaar