Sports

Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahy Cayaarta Lawada Sugayo Ee U Dhxaysa kooxaha Liverpool Vs Man City

OGEYSIISKA CIYAARTA

saacadda:          9:45(XGA)

 Garoonka:        ANFEILD

 

Garsooraha:    Felix Brych (Germany)

 

Maxaa ka cusub labada kooxood.

 

Liverpool

  • Adam lallana ayaa ka cabanaya dhaawac kazoo gaaray jilbka kulankii ay kooxdisu la cayaartay Crystal palace bilawgiii asbuucan halka Can uu shaki wayn ku jiro kaa oo qaba dibaao dhanka dhabarka ah.
  • Nathaniel Clyne ayaan kazoo muuqan dhamaan kulamidi au kooxdiisu cayaartay xilli cayareedkan balse loo soo mmagacaabay badal ahaan kulanki Palace ayaa laga yaaba inuusan wax isbadal ah sameen.
  • Joel Matip ayaa maqnaan doona inta ka hadhay xilli cayaareedkan , taas oo ka dhigan in Dejan Lovren uu kula soo bilaaban Doono qalabadda dhexe ee daafaca Virgil Van Djik.

Manchester City

 

  • Aymeric Laporte ayaa ka cabanaya dhaawac dhnaka cagta kazoo gaarya dhammaadkii ciyr ay kooxdiisu la cayaartay Everton sabtidii balse waxaa la rajaynayaa in uu si dag dag ah kusoo laabto isbuucan dhexdiisa.

 

  • Pep Guardiola ayaa sheegay in uu Sergio aguero uu ka maqnaana doono cayaarta arbacada, taas oo ka dhigan in uu Gabriel Jesus uu hogaamin doono weerarka kooxda ee Anfeild ku cayaari doona.

 

Danilo, Ilkay Gundogan and Fernandinho ayaa dhammaantood lakulmi doona ganaax ay ku seegayaan kul;anka xiga haddi loo taago calaamdda jaallaha.

 

SHAXAHA MACQUULKA AH.

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mane

Manchester City: Bravo; Walker, Kompany, Otamendi, Zinchenko; De Bruyne, Fernandinho, Silva; Sterling, B. Silva, Sane