Sports

Wax walbo oo aad uga baahantahy kulanka Caawa kooxaha Liverpool iyo Roma.

Muqdisho-KNN-Kooxda Liverpool ayaa caawa marti galin doonto kulan wayn oo ka tirsan Simifinalka Champion League lugtiisa 1aad  kooxda reer Italy Ee Roma waana kulan xiiso badan.

Xidigii hore kooxda Roma haatana ka bidhaamaya garoonka Anfil  Mohamed Salah ayaa wajahaya kooxdiisii hore isagoo bandhig fcn ku jiro.

OGAYSIISKA CIYAARTA.

Kulanka: Liverpool Vs Rooma

Tartanka:Champions League

Waqtiga: 21:45 caawa

Garoonka: Anflied

Garsooraha: felix barych (Germany)

MAXAA KACUSUB KOOXDA LIVERPOOL.

Kooxda marti galiyayaasha ayaa waynaya kulanka ciyaaryahan Emre Can isagoo qawo dhaawac dhawarma ah, waxaa sidoo kale diyaar aan u ahyn kulankan ciyaaryahanda Aadam Lallana iyojoel matip xidigaas oo mudo dhaawac kaga maqnaa.

MAXAA KA CUSUB KOOXDA ROMA.

kooxda reer  italy ayaa daneenaysa inay safarkeeda Anfil natiijo fcn kala soo laabato, Daafac Roma ciyaaryahan Rick Karsdorp ayaa seegi doono kulanka isagoo qaba dhawac muruqa ah,sidoo kale ciyaaryahan Gregoire Defrel ayaa isna kamaqnaan doono kooxda Roma Xili shaki lagalinayo garabka bidix ee daafac Roma ciyaaryahan Aleksandar Kolarov inuu kasoo muuqdo kulankan, Diego Perotti ayay dib u heli karaan kooxda Roma isagoo isbuucyadii ugu danbeeyay kamaqnaa kooxdiisa.

Salah ayaa ah xidiga ugu saameenta badan kaas oo ay wajahayaan kooxda Roma.

Dhanka Liverpool waxay celcelin doonaan wiilka weerarka uga ciyaara kooxda Roma ciyaaryahan Dzeko.

MA OGTAHY.

Waa kulankii lixaad oo ay labada kooxood ku julmayaan tartamada Europ 5tii julan ee hore waxaa guulo inta badan ku riyaaqaysay kooxda Liverpool  2 kulan Leverpool ayaa guulaysaty halka 2 kulan ay barbaro galeen 1 kulana Roma aya guul gaartay

SHAXDA MACQUULKA AH LABADDA KOOXOOD.

Liverpool:

Karius; Alexander-Arnold, Van Dijk, Lovren, Robertson; Henderson, Milner, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Mane.

Roma:

Alisson; Fazio, Manolas, Juan; Florenzi, Strootman, De Rossi, Nainggolan, Kolarov; Schick, Dzeko.

Qalinkii:Aadam Aqyaar