Sports

Wax walbo oo aad uga baahantay kulaamada caawa Champions league.

Muqdisho-KNN-Laba kulan oo xiiso badan ayaa caawa laga ciyaari doonaa horyalka qaarada Europe ee UEFA Champion Leagua kaas oo waregiisa 8deeda caawa la ciyaari doono lugtiisa 1aad.

Ogaysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Juventus VS Real Madrid.

Waqtiga:9:45 habeenimo (XGA).

Garsoore:Cunayet Cakir (Turkey).

Kulanka ugu xiisaha badan waa kan caawa garoonkeeda Allianz Stadium ku soo dhaweendoonto kooxda Juventus dhigeeda Real Madrid .

Kadib markii guuldaro xanuun badan ay kala kulantay kama danbaysta koobkan xagaagii hore kooxda Juventus dhigeeda  Real Madrid.

Ayay hadana markale diyaar u tahy inay qaabisho caawa iyadoo ay ganaax ku wayndoonta ciyaaryahanadeeda dafac Mehdi Benatia iyo qadkeeda dhexe Miralem Pjanic halka Alex Sandaro uu wali kasoo kabsanin dhaawac muruqa ah.

Dhanka kooxda Real Madrid waxay dib ugu yeeri dontaa c/ronaldo kaas oo uu macalin zidane nasiyay kulankii Las Palmas ay guusha ka gaareen sabtidii, waxaysa cabsi ka qabtaa in uu calaamada digniinta caawa qaato Ramos kaas oo seegi doona lugta labaad waa hadii uu qaato calamada digniinta caawa.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood.

Juventus: Buffon; De Sciglio, Chiellini, Barzagli, Lichtsteiner; Khedira, Matuidi, Marchisio, Dybala, Cuadrado, Higuain.

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo; Casemiro, Modric, Kroos; Ronaldo, Benzema, Isco.

  • kulanka kale waa kan caawa ay soo dhaween doonto kooxda uu horkaco Montella waa Sevilla dhigiisa Jup Hinks ee leelilya Bayer Munichen kulankan ayaana ahaandoono mid xiiso badan.

Ogaysiiska Kulanka.

Kulanka: Sevilla VS Bayern Munich

Waqtiga:9:45 habeenimo (XGA).

Garsoore:Ramon Sanchez-Pizjuan.

Kooxda Sevillia ayaa caawa ganaax ku wayn doonta xidigeda qadka dhexe Ever Banega, sidoo kale Sergio Escudero, Ben Yedder, iyo Mercado ayaa dhamaantood seegi kara lugta lawaad kulankan waa hadii ay caawa qaataan calaamada digniinta (YELLOW CARD) M.Layun ayaa si sharci ugu ciyaari Karin kooxda Sevillia.

Dhankakale kooxda Bayern  ayaa waxaa kusoo laabtay tababarka kooxda gool hayahooda Manuel Neuer wallow uusan ku wahlin safarka kooxdiisa Spain eeku joogto,  waxaase shaki lagalinayaa inaysan kasoo muuqan Karin kulankan ciyaaryahanada kala ah k.Coman, J.Bernet A.Vidal.

Shaxda macquulka ah labada kooxood

Sevilla: Rico; Kjaer, Mercado, Escudero, Lenglet; N’Zonzi, Pizarro, Correa, Vazquez; Muriel, Ben Yedder.

Bayern Munich: Ulreich; Rafinha, Boateng, Hummels, Alaba; Martinez, James, Robben, Ribery, Muller; Lewandowski.

Qalinkii: Aadam Aqyaar.