Sports

Wax walwalbo oo aad uga baahantahy kulanka caawa Everton Vs Manchester City.

Manchestar City ayaa caawa fiidki booqan doonta kooxda Everton kulan muhiim u ah, xirta macalin Guardiola ayaana hiigsanaya inay xagagan yihiin kooxda horyaalka maadama ay usii dhawaanayaan hanashada horyaalka

Ogeysiiska Cayaarta.

Manchester City Vs Everton

Garoonka:godisson Park

Waqtiga:9:30 caawa XGA

Maxaa ka cusub labada kooxood.

  • Eliaquim Mangala maa ahan mid laheli karo kulankan sababo la xiriira heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo kooxda inkastoo xidigan reer France uu dhaawacanyahay.
  • Ashley Williams ayay u noqon doontaa ciyaartii u danbaysay ganaaxii seddexda kulan ahaa ee uu wajahayay asbuuc dhammaadkan, halka James McCarthy, Maarten Stekelenburg iyo Gylfi Sigurdsson ay dhammaantood wali yihiin kuwa maqnaan doona.
  • Mason Holgate ayaa qaba dhaawac kasoo gaaray cayaarii uu u ciyaaray England cayaaryahanada ay da’doodu ka hoosayso 21-jirka intii lagu guda jiray nasiinadi caalamiga taasoo ka dhigaysa mid aan laheli karin cayaarta barrito.
  • Sergio Aguero ayaan taam u ahayn in uu u cayaaro Argentine intii lagu guda jiray nasiinadii cayaaraha caalamiga taas oo ka dhigan in uusan Pep Guardiola uusan qatar galin doonin xidigan cayaarta dhacaysa asbuucan bilaawga ah.
  • Benjamin Mendy ayaa kusii dhawaanaya in uu dib ugu soo laabto tababarka buuxa ee kooxdiisa asagoona soo fariisan doono kursiga kaydka habeenka sabtida. Fabian Delph ayaa sidoo kale shaki laga galinyaa kooxda martida ah. John Stones, Nicolas Otamendi, Vincent Kompany and Aymeric Laporte ayaa tartan ugu jira labada daafac ee kasoo muuqan doona cayaartan.
  • Shaxda macquulka ah ee lawabada kooxood.

Everton:

Pickford; Coleman, Jagielka, Keane, Baines; Gueyue, Schneiderlin; Walcott, Rooney, Bolasie; Tosun

Manchester City:

Ederson; Walker, Kompany, Otamendi, Zinchenko; De Bruyne, Fernandinho, Silva; Sterling, Jesus, Sane

by Aadam Yusuf Ahmed Aqyaar