Somali News

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Casuumaad u fidiyay dhigiisa dalka Kenya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha.

Sidoo kale  Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senateka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Senator Cabdi Xaashi, ayaa ku guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.