Somali News

Waxgarad hooygiisa ku booqday Shariif Sheikh Axmed

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed  ayaa booqasho hoygiisa ugu tagay Madaxweynihi hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Madaxweyne Shariif u sheegay inay ka xun yihiin is hortaaggi lagu sameeyey wafdigi uu hogaaminayay ee ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay Xayiraada lagu sameeyay Shariif.