Somali News Uncategorized

Waxgarad ku baxay xiisad ka taagan Sanaag

Deegaanka Shidan ee gobolka Sanaag ayaa waxaa haatan ka soconaya dadaalo lagu daminayo dagaal beeleed u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed, kaasi oo ka taagan deegaankaasi.

 Waxgarad iyo odayaal ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Shidan,waxaa ayna halkaasi ka bilaabeen sidii u dhex geli lahaayeen dhinacyadii ku dagaalamay deegaankaasi.

Kulamo lagu heshiisiinayo labada beelood ayaa waxaa uu ka dhacay gudaha deegaanka shidan ee gobalka Sanaag.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka shidan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Labada maleeshiyaad ayaa la sheegayaa in ay isku haystaan dhul daaqsimeed ku yaala deegaanka shidan ee gobolka Sanaag.

Gobolka sanaag ayaa inta badan waxaa ka dhaca dagaal u dhexeeyo labo maleeshiyo beelood ah.