Sports

Waxwalbo aad uga baahantahy kahor kulanka galabta manchestar untd iyo Swansea City

Muqdisho-KNN-Manchester Untd ayaa diyaar u ah inay u dagaalanto booskeeda 2aad ee kala sareenta horyaalka EPL iyadoo galabta gurigeeda kusoo dhaweendoonto dhigeeda Suwansea City.

  • Ogaysiiska ciyaarta

Kulanka: Man United vs Swansea City

Horyaalka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)

Waxaa dhexdhexaadin doono: Robert Madley (England)

  • XAQIIQOOYINKA KULANKA.

Man Utd ayaa guulaysatay 13 kamida 16kii kulan ee ugu danbaysay ay ku ciyaarto gurigeeda kulamada horyaalka.

Man Utd ayaa dhalinaysay ugu yaraan 2gool afartii kulan ee ugu danbaysay ay ku ciyaartay gurigeeda horlka Premier league.

Man Utd wax guuldaro ah lama aysan kulmin 5tii kulan ugu dambaysay ay wajahday kooxda Suwansea tartamada oo dhan.

Suwansea ayaa ku guul dareesatay inay guulaysato 12 kamida 13kii kulan ay kusoo ciyaarto meelkabaxsan garoonkeeda horyaalka Premier League.

  • Maxaa ka cusub labada kooxood Manchester Untd.
  • Paul Pogba ayaa kasoo muuqday shaxdii xulka France ee wajahay habeenkii talaadada qaranka Rusia, 25jirkan ayaa kusoo bilaawan kara kulanka galabta.
  • McTominay ayaa laga saaray kulamadii saaxiibtinimo ee qarankiisa waxaa lafilayaa inuu san qayb ka ahaanin shaxda galabta ee Untd.
  • Jordan Ayew ayaa ganaax kaga maqanaan doono Swansea City, balse walaal kiis Andre Ayew ayaa diyaar u ah inuu safto kulanka galabta.
  • Marcos Rojo ayaa sidoo kale kasoo muuqday shaxdii xulkiisa Argentina, waana diyaar kulanka galabta.
  • Ander Herrera ayaa kamaqnaan kara kulankaan isagoo aan qayb ka ahayn kulamadii ugu danbeeyay man Utd
  • Shaxda lawada dhinac ee macquulka ah.
  • Manchester United:

De Gea; Valencia, Bailly, Smalling, Shaw; Matic, Pogba; Mata, Sanchez, Martial; Lukaku

  • Swansea City:

Fabianski; Naughton, Van der Hoorn, Fernandez, Mawson, Olsson; Ki, King, Clucas; Ayew; Abraham.

By Aadam Yusuf Ahmed Aqyaar.