Somali News

Waxyaabaha Qarxa ee dalka oo Laga hortagayo.

Muqdisho-KNN-Laba Hay’adood oo ka tirsan QM ayaa Talaadadii balanqaaday in ay xoojinayaan Iskaashigooda ay uga horta gayaan khatarta ka timid Waxyaabaha qaxa oo dhib ku haya xasiloonida Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya iyo Hay’adda miino Baarista QM ee Mine Action ayaa sheegay in  wadaan qorshihii ay ugu  hortagi lahaayeen  khatarta waxyaabaha  qarxa uu muhiim u yahay fulinta qorsha kala guurka ee AMISOM ay masuuliyadda Ammaanka ku wareejinayaan Ciidanka Soomaaliya.

“Waxaan rijeeynayaa in aan wada jir uga shaqayno ka hortagga iyo cirib tirka khatarta qalabka qarxa, waan ku faraxsanahay aan awood ku biirino UNMAS” ayuu yiri Francisco Madira oo ah wakiilka gaar ka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,

War ay soo saareen Hay’aduhu waxaa ay balan qaadeen in ay si dhow ula shaqaynayaan Dowladda Soomaaliya si looga baaqsado isticmaalka Gawaaridaa Qaraxyadda ah ee ay Adeegsadaan Al-shabaab.