Muqdisho-KNN-Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya Maxamed Cali Xasan oola hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa oo la doonayay inlagu Weeraro Xarumo muhiim ah oo ku yaala Magaalada Jigjiga.
Waxaa uu sheegay Taliyaha in Abaabulka qorshahaasi ay iska lahaayeen Ragii ka haray Maamulkii hore ee uu hogaamin jiray Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu Shaaca ka qaaday in hada ay gacanta ku hayaan nin lagu Magacaabo Axmed Mahad Colow ( Axmed Ilka Case).
Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidamada booliska ay ka hortageen qaraxyada, isagoona sheegay in la fashiliyay sida uu hadalka u dhigay Qaraxyadaaasi.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxwaynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya Mustafe Maxamud Cumar Cagjar uu eedeyn u jeediyay Maamulada Jubbaland , Somaliland iyo Puntland, isagoona ku eedeeyay in ay jiraan rag doonaya in ay oo soo Abaabulaan Qaraxyo ay ka gaystaan deegaankaasi, hayeeshee Hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida itoobiya waxaa ka horyimid Soomaaliland.


