Somali News

Wayne Rooney oo xabsi la dhigay

Muqdisho-KNN-Wayne Rooney ayaa la xiray kadib markii uu sarqaan ku dhex-noqday diyaarad uu saarnaa sidaasi waxaa sheegay afhayeenkiisa.

Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa 16-kii December lagu xiray gegida diyaaradaha ee Dulles ee ku taalla magaalada Virginia kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya.

Rooney, oo 33 sano jir ah ayaa afartii Janaayo lagu xukumay 116 pound oo ganaax ah sida ay cadeeynayaan dukumiintiyada maxkamadda.

Afhayeenkiisa ayaa waxa warbxin ku sheegay “xilligii diyaaradda Wayne waxa uu isticmaalay kaniin hurdo oo lagu qasay khamra yar, markii uu eelaboorka yimidna waa uu qasmay sidaas ayayna booliska ku qabteen.

“Waa la ganaaxay wax yar kadibna waa la soo ii daayay, haatanna xaaladda waa ay iska dhamaatay.

Sanadkii 2017-kii waxaa Rooney laga mamnuucay in laba sano uu kaxeeyo gaari kadib markii la qabtay isagoo cabsan oo gaaro wado.

Weeraryahankan ayaa waxaa uu bishii June ee sandkii 2018-kii ku biiray kooxda DC United oo ka dhisan dalka Mareeykanka, waxa uuna saxiixay qandaraas Saddex sano iyo badh ah.