Uncategorized

Webiga Shabeelle oo ku fatahay Jowhar.

Jowhar-KNN-Webiga Shabeelle oo muddooyinkii dambe la ciir ciirayay biyo badan ayaa ku fatahay magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Webiga ayaa ku fatahay xaafada Horseed oo ka mid ah 4 xaafadood ee ay ka koobantahay Jowhar.

Fatahaata Webiga ayaa saameysay dhamaan dhaq dhaqaaqii dadka, Ganacsiga iyo dad badan oo ka bara kacay xaafadaasi, waxaa sidoo kale ay saameysay goobihii waxbarashada ee magaaladaas ku yaalay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in hadda ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku xakameeyaan fatahaada Webiga Shabeelle.