Niyaami: Sideed Askari oo u kala dhashay dalalka Niger iyo Maraykanka ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kolonyo ay wateen oo marayay xaduuda u dhaxaysa dalalka Niger iyo Mali ee waqooyiga Africa.
War kasoo baxay waaxda difaaca dalka Maraykanka ee Petagonka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 askari 2 kalena lagu dhaawacay.
Koox hubeysan oo aan la garan ayaa wadada u galay ciidamada oo socdaalaya waxaana weerarkaasi ka dhacay meel qiyaastii 193 km u jirta caasimada dalka Niger ee Niyaami.
Sidoo kale warbaahinta dalka Niger ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi ay ku dhinteen 5 askari oo ciidamada dawlada Niger ka tirsanaa tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas hase ahaatee goobta weerarku ka dhacay waxaa ku xoogan kooxo hubeysan oo Al-Qacida ku xiran.