Muqdisho-KNN-Weerar ay kooxo hubaysan kusoo qaadeen dhawr fariisimo oo ay ciidamada amaanka Masar kaga sugnaayeen gacanka Siinaay ayaa waxaa ku dhintay illaa iyo Siddeed kamid ah ciidamada amaanka sida laga baahiyay Tv’ga qaranka dalkaasi Masar.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay magaalada El-Arish ee kutaala Waqooyiga Siinaay iyadoona in mudo ah ay xabado iswiidaar sanayeen ciidamada amaanka iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Weerarka oo ay ku dhinteen Siddeed Askari ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Sedax kale oo dhaawacyadooda lagaar siiyay Isbitaalka magaalada sida ay AFP kasoo xigatay qaar kamid ah dhaqaatiirta.
Tv’ga qaranka Masar ayaa wariyay in weerarka oo kadhacay dhawr fariisimo laga cabsi qabo in tirada dhimashadu ay kakororto inta ay haatan tahay.
Majirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan balse waxa uu kusoo beegmaya xilli dalka Masar maanta looga dabaal dagayo maalinta kowaad ee Ciidul-Fidriga oo ay muslimiinta caalamku xusaan dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadaan.